Saaka Waxa Magaalada Hargeysa Lagu Waaberiistay Makarofoonno Baabuur Lagu Xidhay Oo Heeso Wadani Saaran Yihiin, Taas Oo Dadweynaha Loogu Sheegayey Inay Taageeraan Heshiishka Dp World La Gashay Somaliland Iyo Sida Ay Uga Soo Horjeedaan Hadaladii Ka Soobaxay Madaxda Sare Ee Soomaaliya.

Banaanbaxyadan Ayaa Dadweynuhu Waxay Ku Dhawaaqayeen In Soomaaliya Shacabka Somaliland Aanay U Ogolayn Wax Horumar Ah,Isla Markaana Caalamka U Dariyeen Fariin Ah Inay Somaliland Tahay Dal Madax Banaan.

Dadweynahan Samaynayay Banaan-Baxyada Ayaa Ku Dhawaaqay Farmaajo Dooni Meyno Somaliland Ha Noolaato, Farmaajo Ha Dhaco Kheyre Doonimeyno Iyo Erayo Kale Oo Ka Soo Horjeeda Hadaladii Ka Soo Yeedhay Madaxda Soomaaliya.

Boodhadhka Dadku Ay Dariiqyada La Marayeen Ayaa Waxaa Ku Xardhanaa Waanu Taageersanahay Hishiiska Saddex Geeesoodka Ah Ee Somaliland, Dp.World Iyo Itoobiya.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga