Dadka muslimiinta ah ee ku kala sugan daafaha caalamka ayaa u dabaal dagaya ciida fidriga kadib muddo 29 maalmood ah oo ay soo soomanaayeen.

Iyadoo ku xidhan araga bisha dayaxa ayaa wadamo badan oo dunida islaamka ah salaasada maanta looga dareeray salaaada Ciida.

Wadamda sucuudiga, kuwait, qadar, imaaraadka iyo wadamo kale sida Soomaaliya, waxa laga iiday salaasada maanta. Halka wadamada masar,suuriya, urdun, indoneisa, japan, Malaysia ,thailand iyo Pakistanna laga Ciidi doono maalinta arbacada. Oo wadamadan waxay salaAsadu u tahay maalin-soon.

Dadka Muslimiinta ah ayaa siyaabo kala duwan ugu dabaaldega maalintan. Iyadoo wadadama islaamkana badi la galo saddex maalmood oo fasax guud ah.

Is-booqasho, isu-hambalyayn, masaakiinta oo la quudiyo iyo samaynta cuntooyin gaar ah ayaa inta badan ay ka simanyihiin dadka muslimiinta ah ee ciida u debaal-dega.

Goobaha ugu ballaadhan ee looga debaal-deggo Ciidan waxa ugu horeeya. Masaajidka xaramka oo qaaada ku dhawaad hal milyan oo qof.
Masaajidka nabi Muxamed SCW oo qaada ilaa 10-Kun oo qof.

Masaajidka faysal ee magaalada ismalabad ee caasimaddda dalka Pakistan, oo Qaada 100-Kun oo qof.

Masaajidka sheekh sayid ee magaalada abudabi oo ay ku tukadaan muslimiin dhan 40-Kun

Iyo masaajidka jama ee magaalada newdelhi ee caasimadda dalka india. Oo qaada 25-Kun oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga