Badhasaabka Gobalka Osun oo dhaca Koonfur galbeed dalka ku yaala galbeedka Qaaradda Afrika Ee Nigeria, Rauf Aregbesola ayaa sheegay in aanu Muddo Sideed Sanadood Qaadanin Wax Mushahar Ah.

Badhasaabka ayaa sheegay in aanu u Baahnayn wax lacag ah Maadaama oo uu Waddanku Quudiyo, Shidaalka Gaadhigiisana Dawladdu Bixiso Waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalkiisa ayaa dood Ka dhex dhaliyey Baraha Bulshada Halka dad Badani ay u arkeen in aanu Run sheegaynin.

Mushaharka ay Qaataan Madaxda Dalka Nigeria ayaa Mudooyinkii ugu danbeeyay dadka Dalkaasi ay si Wayn u Hadal Hayeen, iyadoo Xildhibaanada Dalkaas La Sheegay in ay Qaataan Lacag 13-Jeer Ka Badan Mushaharkooda Caadiga Ah.

Qoraal uu Bartiisa Twitter-Ka soo dhigay ayuu Ku Yidhi “Waddanka ayaa i Biiliya, Shidaalka Gaadhigayga Iyo Baahiyahayga Kalena Bixiya, Taas Waa Sababta aanan u Raadinayn Mushahar,” ayuu yidhi Rauf Aregbesola.

“Ma Lihi Guri aan Ka ahayn Kaan Dhistay Intaanan Xilka Qaban Kahor,”ayuu Sii Raaciyey Qoraalkiisa.

Badhasaabkan Muranka ka dhex Dhaliyay Baraha Bulshadu Ku kulanto, ayaa Xafiiska Banaynaya Dhammaadka Bishan, Kadib Markii uu ku-Xigeenkiisu Ku Guulaystay Doorasho La Qabtay Bishii September ee aynu soo dhaafnay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga