Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la Filayaa in maanta gelinka dambe ay ka doodaan xaaladaha Soomaaliya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay ka eriday dalka.

Ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey Farhan Haq ayaa sheegay in Qaramada Midoobay Baadhintaan dheer Ku Samaynayso sababihii keenay in dowladda Soomaaliya shaqada ka joojiso wakiilkii xoghayaha guud ee QM Nicholas Haysom.

“Waxaan isku dayaynaa in aan helno faahfaahino kala duwan iyo Cadeymo waxaanan arki doonnaa iyada oo lagu saleynayo wixii tallaabooyin dheeraad ah ee loo baahan yahay, waanan ka fiirsan doonaa” ayu yidhi Ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey.

Farhan Xaq ayaa Sheegay in warkani uu soo gaadhay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres.

Ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, uu cambaareeyay weerarrkii hoobiyaha loo adeegsaday ee lagu qaaday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Tallabada dowladda Soomaaliya ay dalka uga eriday wakiilka QM ayaa ku soo beegatay xili siddoo kale shaqaale ka tirsanaa xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya lagu dhaawacay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xaruntooda Soomaaliya ee ku taala xerrada Xalane.

Lama oga go’aanka xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey uu ka qaadan doonno go’aanka ay dowladda Soomaaliya shaqada uga joojisay wakiilkoodii Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga