Dawladda australia ayaa baarlamanka dalkeeda horgaynaysa hindise-sharciyeed ay ku rabto in ay laasho nidaamka caafimaad ee taageeera dadka muhaajiriinta ah ee ku sugan xeryaha dibadda ka ah dalka australia ee dawladda dalkaasi ay ku hayso muhaajiriinta doonaysa in ay magangalyo ka helaan ausralia.

Dawladda ayaa jasiiradaha ku hareeraysan waddanka ku haysa kumanaan muhaajiriin ah oo doonaya in ay galaan australia. Balse ay iska hortaagtay, kuna tilmaantay muhaajiriin sharci darro ah.

Baarlamaanka australia waxay hore u meel mariyeen sharci dhigayay in muhaajiriinta xaalado caafimaad oo xumi ay lasoo darsaan, la gayn karo gudaha waddanka, si loogu daweeyo. Inkasta oo dawladdu ay markaa walaac wayn ka muujisay. Balse dawladda ayaa imika rabta in dhammaan ay laasho kaalmada caafimaad ee ay siiso muhaajiriinta ay xeryaha ku hayso.

Talaabada dawladda Australia ayay si wayn u cambaareeyeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha ka shaqeeya arimaha qoxootiga. Oo ku tilmaamay in talaabadani ay khatar galin karto caafimaadka kumanaan muhaajiriin ah oo wajahaya hubaal la’aan mustaqbal.

Australia waxay mudooyinkii danbe waday siyaasado aad loo dhaliilay oo ay kula dagaalamayso muhaajiriinta beegsanaysa gudaha dalkeeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga