Maxkamad milatari dalka itoobiya ayaa 66 askari ku riday xukun u dhexeeya afar ilaa 15 sanno oo xadhig ah, askarta ayaa bishii october ee aynu soo dhaafnay mudaharaad ka sameeyay xafiiska raysal wasaaraha hortiisa.

Dawladda itoobiya ayaa markaas sheegtay in askartu ay dalbanayeen mushahar-kordhin, lakiin mardanbe ayuu raysal wasaare abiy ahmed ku eedeeyay in ay maleegayeen shirqool dil ah oo isaga ka dhan ah.

“xukunada maanta dhacay waxay noqon doonaan cashar” ayuu yidhi cap hailamariam oo ka tirsan xeer-ilaalinta itoobiya.

Looyarada u doodayay askarta ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadanayaan xukunka.

Hal askari waxa lagu xukumay 14-sanno oo xadhig ah, halka 65-ka kalana lagu xukumay xadhig u dhexeeya 5 ilaa 14-sanno, iyagoo lagu eedeeyay in ay ku xadgudbeen shuruucda milatariga.

66-ka askari waxay ka tirsanaayeen 200 oo askari oo ka tirsan ciidanka duubcasta oo ku hor mudaharaaday xafiiska raysal wasaaraha oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee addis ababa.

Bishii september ayay maxkamadi 5 eedaysane ku xukuntay falal argagixiso, iyadoo looga shakiyay in ay wadeen iskuday ay ku khaarajinayaan raysal wasaare abiy oo markaa ku sugnaa dibadbax wayn oo kadhacay magaalada addis abab bishii june.

Raysal wasaare abiy ayaa tan iyo intii uu xafiiska qabtay bishii april la yimi isbadalo waawayn, isagoo xabsiyada kasii daayay kumanaan qof oo bilaa danbiyo u xidhnaa, halka uu saamaxay ururo ka mamnuuc ahaa gudaha itoobiya. Abiy ayaa sidoo kale hormuud ka ahaa nabada ka dhex-dhalatay wadmada itoobiya iyo eritrea.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga