Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayin Ardugan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dawladda Turkigu ay sharci ka soo saari waydo golgol-dhaafka. Madaxweynaha, ayaa sidan sheegay kulan uu lahaa xubnaha baarlamaaka ugu jira xisbigiisa. Madaxweynaha ayaa sheegay in arrinkani yahay meelaha Turkigu wali uga dib dhacsan yahay, ee waddamada carbeed ay ka hor mareen.

Markii xukunka dalka uu qabsaday xisbiga caddaaladda iyo horumarka waxa uu si ba’an u dhaliilay xidhiidhka galmo, ee dhex mara laba qof oo aan is qabin. Midawga Yurub ayaa arrintan aad u dhaliilay sheegayna inaanay faro galin xuquuqda gaar ahaaneed ee bulshada. Xukunka Danbiga gogol-dhaafka ayaa ka cadhaysiiyay xisbiyada mucaaradka ee u janjeedha afkaarta reer galbeedka. Midawga Yurub ayaa dawladda Turkiga uga digay i ay meel mariyaan sharcigan danbiga ka dhigaya  gogol-dhaafka. Haddii kale la aqbali maayo in Turkigu xubin ka noqdo midawga Yurub.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga