Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Germalka Angela Merkel ayaa manta lagu wadaa in ay  kulmaan oo ay ka wadahadlaan xidhiidhka 2-da dal tan iyo markii ciidamada Ruushku 4-sano kahor ay qabsadeen gobolka Crimea ee dalka Ukraine .

Kulanka manta ayaa noqonaya mid lagu xoojinaayo xidhiidhka labada dal,isla markaana  lagaga hortagay, gardarada Mareykanka ee dhinaca ganacsiga ,gaar ahaan canshuuuraha lagu soo rogay biraha iyo macdanta Aluumiyamka  ee Midowga Yurub.

Merkel iyo Putin kulankoodii ugu dambeeyay,waxa uu ka dhacay magaalada Sochi 4-bilood ka hor,halkaas oo Lagaga hadlay rabshadaha ka taagan Ukraine iyo fidinta dhismaha qasabadaha qaada gaaska ee ka imaanaya Ruusghka kuna socda Germalka.

Kulanka oo ka dhacaya gurigga martida dowladda ee duleedka magaalada  Berlin,waxaa ka mid ah qodobada laga wadda hadli doono  dagaalada Suuriya.rabshadaha Ukraine iyo dhismaha tubbooyinka qaada gaaska,sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay dowladda Germnalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga