Qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee faraya in ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM in ay dalka isaga bixi doonaan sanadda 2021 ayaa muran ka dhex dhaliyay saraakiisha ciidamada AMISOM,

AMISOM ayaa bilowday in ay dhinto ciidamadeeda sanadihii aynu soo Dhaafnay, ayadoo tiradii hore oo ahayd 22,000 ay ka dhigeen ilaa 21,000 oo askari.

1,000 Askari Oo Katirsan Ciidamada Amisom Ayaa Bixi Doono Bisha October Ee Sanadkan, Waxayna Ciidamadan Ka Koobnaan Doonaan Dhammaan Dalalka Ay Ciidamooda Ka Tirsanyihiin Amisom.

Marka Laga Reebo Kenya Iyo Uganda, Amisom Waxaa Kamid Ah Ciidamo Ka Socda Dalalka Brundi, Itoobiya Iyo Jabuuti.

Doodda Ugu Weyn Waxa Ay Ka Dhex Jirtaa Taliyeyaasha Ciidamada Amisom, Kuwaas Oo Is Weeydiinaya In Mudo Sedex Sano Gudahood Ah Lagu Heli Karo Rajada Ay Qaramada Midoobay Ka Qabto Ciidanka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya Ayaa Wada Qorshe Ay Ku Qalabaynayso Ciidankeedda Si Ay Ula Wareegaan Ammaanka Dalka, Waxaana Shirar Lagaga Hadlayo Arintan Lagu Qabtay Dalal Kala Duwan,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga