Waxay soo safartay kumanaan km si ay u tabiso sheekooyinka wanaagsan ee ka jira gudaha Soomaaliya, oo sanado badan ay ka jireen colaado galaaftay nolosha kumanaan qof oo aan waxba galabsan.

Hodan naleyeh, waxa ay ku dhimatay qaraxii shalay ka dhacay magaalada kismaayo oo ku taala koonfurta Soomaaliya. iyadoo dad badan ay argagax ku noqotay geerideeda hodan, oo niyad-jab ku ah dadka kusoo hiranayay Soomaaliya, oo u muuqata inay si gaabis ah ugasoo kabanayso colaadaha ka jira.

Sanadkii 1976-kii ayay ku dhalatay magaalada laascaanood, iyadoo ku barbaartay waxana ku baratay dalka canada.

Sanadkii 2011-kii ayay ka timi dalka canada, iyadoo soo gaadhay geeska afrika. waxay markaa dhexda u xidhatay in sawir wanaagsan ay aduunka uga gudbiso dalkeeda Soomaaliya, balse nasiib darro sanado kooban gudahood ayay ku wayday nafteeda, kadib weerarkan is qarxinta ahaa oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda alshabab ee dagaalka hubaysan kula jirta dawladda federaalka Soomaaliya.

Hodan waxay madax ka ahayd muuqbaahiyaha ay aasaastay ee integrationtv, kaas oo udub-dhexaad u ahaa warbixinaha taban ee ay ka gudbin jirtay Soomaaliya.

Geerida hodan ayaa qabsatay baraha ay bulshadu kuwada xidhiidho, tan iyo markii si rasmi ah loo xaqiijiyay in ay geeriyootay, iyadoo dad badani ay aaminsanyihiin in ay tabi doonaan shakhsiyadeedii, iyo sheekooyinkeedii ay kor ugu qaadi jirtay bilicda iyo wanaaga Soomaaliya.

Hodan naaleyeh oo jirtay 43-sanno ayaa ku biiraysa tobanaan kale oo hore naf-hur ugu sameeyay Soomaaliya, iyagoo ka qayb qaadanayay dib u dhiska waddanka.

Qaraxyada kooxda alshabab ayaa sanadihii danbe ka tagayay sheekooyin xanuun badan, iyo dhimashada shacab badan oo aan waxaba galabsan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga