Madaxwaynaha Afqaanistaan ​​Ashraf Ghani ayaa u aqoonsaday Taliban in ay tahay koox siyaasadeed   isaga  oo  sheegay in uu horseedi doono wadahadallo loogu talagalay in lagu dhammeeyo in ka badan 16 sano oo dagaal ah.

Hindisaha, oo la sameeyey bilawga shir caalami ah oo loogu talagalay in lagu abuuro jawi wada-hadal nabadeed, oo ka yimid  reer galbeedka iyaga Oo Talibankuna soo jeedinayaan rabitaan ballaadhan oo lagu xallinayo wadahadalka.

“Waxaan sameyneynaa dalabkeenna si aan u helno heshiis nabad ah,” ayuu Ghani ku sheegay hadaladii furitaanka shirka oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka socota 25 waddan ..

“Taalibaan waxay muujinaysaa wacyi-galin  u muuqata in ay ku lug leedahay dood ku saabsan saameynta rabshadaha mustaqbalkooda,” ayuu yidhi.

Ghani waxa uu sheegay in qaab dhismeedka wada-xaajoodka nabadda ay tahay in la abuuro Taliban oo loo aqoonsado koox sharci ah

Isaga Oo Intaas Ku Daray in geeddi-socodkaasi uu la Iman doono taageero diblomaasiyadeed oo isku xidhan

Maraykanka ayaa sannadkii hore kor u qaaday taageeradiisa militariga ah ee Afqanistaan, iyada oo ay sii kordhisay weerarrada hawada, iyo ujeedada ah in ay jabiso Kooxda Taalibaan.

Waxay sidoo kale sheegteen mas’uuliyadda labo weerar oo waaweyn oo ka dhacay Kabul bishii hore oo ay ku dhinteen 250 Qof Halka ay  ku dhaawacmeen boqolaal rayid ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga