Warbaahinta KENYA,ayaa ku waramaysa inay jirto dhex-dhexaadin ay dawladda Ethopia ka dhex-bilawday dalalka KENYA iyo SOMALIYA murranka la xidhiidha Xuduud-badeedka labadda Dal.

Wargeysyadda The Nation iyo The East Africa,ayaa sheegaya inay kasoo xigteen Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somaliya in  Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethopia Abiy Ahmed oo sameeyay isku-dayo badan oo Xiisadda hoos loogu dhigayo,haatana ay arrinta soo faro-galiyeen Dalalka Maraykanka iyo Uk.

Dawladda Ethopia,ayaa haatan haysa Guddoonka Urur-goboleedka IGAD,Dawladda Somaliya ayaa iyadu dhineeca Beenisay inuu kullankaasi jiro,isla-markaasna aanay waxba iska bedelen go’aankii ay Kiiska Badda ugu gudbisay Maxakamadda Caalamiga ah ee ICC,inkasta oo aanay Kenya wali wax war kasoo saarin arrintan.

 Urur Goboleedka IGAD,ayaa sheegaya inuu ka cabsi -qabaan in Muranka labadda Dal u dhexeeya uu Indhaha Gobolka ka jeediyo dagaalka ka dhan ah Argagisadda iyo Budhacd-badeeda.

 Xog-hayaha Joogdda ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda KENYA,Macharia Kamau,waxa uu saxaafadda Dalkiisa u sheegay in aanay wax macluumaad ah ka haynin inuu jiro is-bedel ka yimid dhinaca Somaliya oo ku aaddan in dib loo dhigo Kiiska Badda ee Labadda Dal ka dhexeeya.

Saxaafadda KENYA,ayaa Sidoo kale ku waramaysa inay Beesha Caalamku Labadda Dal culays ku saarayso Muranka Labadda Dal lagu xaliyo dibadda Maxkamadda Caalamka ee ICJ-da.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga