Shaqaalaha Gurmadka Degdega Iyo Howlwadeennada Caafimaadka Ayaa Sheegaya In Ugu Yaraan 70 Qof Ay Ku Dhinteen Weerrar Looga Shakisan Yahay Inuu Kiimiko Ahaa Oo Lagu Qaaday Magaalada Douma Ee Ay Fallaagadu Ka Taliso, Ee Waddanka Suuriya.

Kooxda Gurmadka Deg Dega Ah Ayaa Sheegay In Tirada Dadka Weerrarkaasi Ku Waxyeeloobay Ay U Badan Tahay Inay Sare U Kacdo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Waddanka Mareykanka Ayaa Sheegtay Inay Si Dhaw Ula Socoto Waxa Ay Ku Tilmaantay “Warar Murugo Leh”, Iyadoo Sheegtay In Ruushka Oo Ka Garab Dagaalamaya Ciidammada Dowladda Suuriya, Uu Qaadi Doono Mas’Uuliyadda Weerrarkaasi.

Weerrarka Ayaa Lagu Eedeeyay Diyaarado Nooca Qummaatiga U Kaca Ah Oo La Sheegay In Magaalada Ku Duqeeyeen Barmiillo Ay Ku Jiraan Sunta Sarin

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga