Sanadkii 1979-kii, Haji Da’uud Naabi waxa uu ka baxsaday dagaalkii Ciidamadda Soofiyeeti iyo Dawladda Afgaanistaan ​​Waxaanu isaga iyo qoyskiisa Magan galyodoon ku Galeen Waddanka New Zealand.

Ku dhowaad 40 sano kadib, jimcihii Shalay ayaa lagu toogtay oo lagu dilay masjidka Al Noor ee ku yaala Magaaladda Christchurch ee Waddanka New Zealand.

“Waxa uu Marwalba Dareemi Jiray Dagaaladii ka Taagna gurigiisa iyo Dhibaatadii uu nalasoo Maray Markii aan Kasoo Qaxday Dalkayagii Hooyo,” ayuu yidhi Wiilkiisii ​​43-jirka ahaa ee Cumar, oo u Waramayey Telefishanka Aljazeera.

49-kii Ruux ee Lagu Dilay Weerarkii Shalay oo uu Ku Jiro Naabi ayaa Maanta Lagu aasi Doona Waddanka New Zealand.

“Aabahay wuxuu Kala Badh Noloshiisa uu ku Qaatay dalkan (New Zealand) waana lagu aasi doonaa halkan,” ayuu yidhi Wiilkiisa Cumar.

Intii lagu Guda jiray gudashadda salaadda jimcaha, 48-sano jirka tuhmanaha ah ee Brenton Tarrant ayaa si aan kala sooc lahayn u Toogtay Muslimiin Ku Cibaadaysanaysay Masjidka Al Noor oo Waddanka New Zealand.

Ninkan oo Lagu Tilmaamay xagjirka ugu xumaa ee Soo Maray taariikhda Dalkan, ayaa Maanta oo Sabti ah La Horgeeyay Maxkamad ku taala Waddankaasi.

“Nabi waxaa ka Baxay afar wiil, hal gabadh iyo sagaal Caruur ah oo uu awoow u ahaa “ayuu yidhi Wiilkiisa Cumar.

“Tani waa wakhti aad u adag  oo nalasoo Gudboonaatay annaga iyo qofkasta oo uu Xasuuqan Kaga Baxay Qofkii uu Jeclaa.”ayuu Cumar ku yidhi Waraysi uu Siiyey Telefishanka Aljazeera.

“Aabahay ayaa ii sheegay sida ay muhiimka u tahay in la fidiyo jacaylka iyo midnimada midba midka kale, iyo Wadda Noolaansha naga Dhaxeeya bulshada aan la  noolnahay,” ayuu yidhi Cumar.

Shakhsiyaad Kamida Dadka Muslimka ah ayaa Bilaabay Barnaamij ay Tageero iyo Lacag  Ururin ugu Samaynayaan Dadkii Muslimiinta ahaa ee Dhibaatadu Kasoo Gaadhay Xasuuqaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga