Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay Dagaal Maalmiihii ugu Danbeeyay ku dhex Marayey Qoomiyadaha Soomaalidda iyo Oromadda koonfurta Itoobiya, sida ay sheegtay idaacadda FANA.

Dagaalka ayaa ka qarxay meel u dhow magaalada Mooyaale, oo ay sheegtaan Labadda Qoomiyadood ee Soomaalidda iyo Oromadda.

61 qof ayaa ku dhaawacmay dagaalka, Sidda ay Sheegtay Warbaahinta Fana oo xiganaysa xafiiska isgaadhsiinta gobolka Oromia.

Sannad kii Lasoo dhaafay In ka badan hal milyan oo qof ayaa ku barakacay dagaalka u dhaxeeya Soomaalidda iyo Oromadda.

Inkastoo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Lagu ammaanay dib u habeyntii uu Ka Sameeyay Dalka Itoobiya Tan iyo markii uu xukunka Qabtay bishii Abriil, Hadana walaac xooggan ayaa ka Jira Rabshadaha iyo Dagaaladda Wali ka dhex Taagan Qaybo Kamida Dalka Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga