Dhowr Maxaabiisto Iyo Hal Ilaaliye Ayaa Ku Dhintay Weeraro Ay Soo Qadeen Dad Banaan Baxayay. Magaalada Belem Waqooyiga Dalka Brazil.

Maxaabiista Ayaa Waxaa Caawiyay Kooxo Hubaysan Oo Dibad Baxayay kuwasoo Markii Danbe Isku Dayay In Ay Gudaha U Galaan Xabsiga Weerarka Lagusoo Qaaday, Sida Ay Sheegeen Mas’Uuliyiintu.

Rabshad aad U Culus Ayaa Markale Kasoo Cusboonaatay Dhismaha Xabsiga Santa Izabel Ee Ka Baxsan Gobolka Para .

Adeegga Gar Gaarka Deg Dega Ah Iyo Hay’Addaha Amniga Qaranka Oo Soo Gaadhay Goobta Weerarku Ka Dhacay Ayaa Xaqiijiyay 19 Ka Qof Ee Dhintay ay Ahayeen Maxaabiista Iyo Taageerayaashooda Halka Ha Ilaaliye Ayaa Sidoo Kale La Dilay.

Ugu Yaraan Afar Ilaaliye Ayaa Lagu Dhaawacay Weerarka, Oo Mid Ka Mid Ahi Ku Jiro Xaalad Halis Ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga