10 Ruux Ayaa Ku GeeriyoodaY Kadib Markii La Jiidhiyay Gaadhi Iyagoo Lugeynayay Waddo Ku Taal Magaalada Toronto Ee Dalka Canada.

Goobjoogayaal Ka Ag Dhawaa Goobta Shilku Ka Dhacay Ayaa Warbaahinta U Sheegay In Darawalkii Waday Gaadhiga Uu Ka Baxsaday Goobta Uu Dadku Ku Wax-Yeeleeyay Hase Yeeshee Waxaa Laga Soo Qabtay Meel Ka Baxsan Halka Uu Dadku Ku Dhaawacay.

Falkan Ayaa Dhacay Xilli Ay Shaqaale Badan Qado U Soo Rawaxeen,

Booliska Magaalada Ugu Weyn Dalka Canada Ayaa Markii Hore Laga Soo Xigtey In Toban Ruux Ay Falkan Ku Dhaawacmeen Hase Yeeshee Markii Dambe Ayaa Afhayeen U Hadlay Boolisku Sheegay In aan La Ogeyn Tirada Dhabta Ah Ee Waxyeeladu Soo Gaadhay,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga